Madaxweyne Donald Trump oo lagu qariyay god kuyaala Aqalka Cad ee Mareykanka

0
381

Madaxweyne Donald Trump oo lagu qariyay god kuyaala Aqalka Cad ee Mareykanka

Dalka Mareykanka waxaa ka socda dibad baxyo rabshada wata oo ka dhashay dil sargaal cadaan ah u geestay nin madow ah, waxaana dadka dibad baxyada dhigaya rabshado ka geesanayaan magaalooyin badan oo kuyaala dalkaasi.

Dibad baxayaal badan ayaa ku dhawaaday in gudaha u galaan aqalka cad ee looga arimiyo dalka Mareykanka , waxaana ilaalada aqalka cad gabi ahaanba xireen albaabada xaruntaasi laga galo si aysan ugu soo gudbin dadka dibad baxa dhigayay.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa ku warantay intii ay dibad baxyada ka socdeen agagaarka aqalka Cad in Madaxweyne Trump lagu qariyay qol kuyaala godka hoostiisa si uu uga gabaad galo dibad baxayaasha hadii aqalka cad soo galaan.

Madaxweyne Trump ayaa ka dhawaajiyay intii ay socdeen dibad baxyada hadalo sare u qaadayay carada dadka dibad baxyada dhigayay ee kasoo horjeeday dilka magaalada Minneapolis loogu geestay George Floyd .

Trump ayaa horey ugu hanjabay hadii dibad baxayaasha careesan soo galaan xarunta aqalka cad in laga horgeyn doono sida uu tilmaamay eeyo tababaran oo aad u arxan daran iyo hub aan horey loo arag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here