Banaanbax Looga Soo Horjeedo Maamulka Galmudug Oo Socda

0
341

Banaanbax Looga Soo Horjeedo Maamulka Galmudug Oo Socda

Banaanbax xoogan oo looga soo horjeedo Maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa waxaa uu ka socdaa Degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud.

Dadweyne farabadan oo isugu jira dhalinyaro, Haween, Caruur iyo Odayaal isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee Magaalada, iyagoo ah kuwa aad uga careysan Maamulka Galmudug, sidoo kalena eedeeyn u jeediyay.

Sidoo kale dadka dhigaya Banaanbaxa ayaa ku qeylinaya Erayo ay uga soo horjeedan Galmudug, waxaana kamid ah doonimeyno Galmudug iyo Erayo kale, isla markaana waxaa waddooyinka ay ku gubayaan taayaro waaweyn.

Odayaasha dhaqan ee Magaalada qeybna ka ahaa Banaanbax Balanbale oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay u sheegeen in Balanbale aysan qeyb ka aheyn Galmudug ilaa iyo amar dambe.

Waxaa kaloo Odayaasha ay sheegeen inay aad uga xun yihiin qorshaha ka dhan ka ah ee Balanbale oo ay soo bandhigtay Wasaaradda qorsheysanta Galmudug kuna saabsan Mashruucyo, kuwaasi ah oo tilmaameen inuu taageerayo Midowga Yurub.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno Balanbale ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaas ay ka jirto xaalad cakrin, sidoo kalena waxaa xiran gabi ahaan goobihii ganacsiga ee Magaalada, waxaana weli halkaas ka socda Banaanbax xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here