Al-Shabaab oo war ka soo saartay qaraxii ismiidaaminta Gaalkacyo

0
391

Al-Shabaab oo war ka soo saartay qaraxii ismiidaaminta Gaalkacyo

Xarakada Al-Shabaab ayaa war ka soo saartay qarax ismiidaamin ahaa oo maanta duhurkii ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo, kaasoo lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas, ayna ku dishay “camaliyad istish-haadi ah” Guddoomiyihii Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur iyo Ilaaladiisa.

Weerarka qaraxaas ayaa la sheegay in loo adeegsaday mooto bajaaj uu watay qof naftii halige ah, kaasoo isku qarxiyay gaariga uu saarnaa Guddoomiyaha.

Waa weerarkii labaad oo noociisa ah oo Guddoomiye Gobol ka tirsan Puntland oo Al-Shabaab ku disho qarax ismiidaamin ah, waxaana labo bil ka hor sidan oo kale qof naftii halige ah oo isku qarxiyay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here