Turkiga Oo Imaaraadka Ku Eedeeyay In Uu Qalalaaso Ka Wado Dalal Ay Kamid Tahay Somalia

0
401

Turkiga Oo Imaaraadka Ku Eedeeyay In Uu Qalalaaso Ka Wado Dalal Ay Kamid Tahay Somalia

Turkiga ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeeyay inay qalalaase ka wadaan Bariga Dhexe, ayaga oo faro-gelinaya Libya iyo Yemen, eedeyntaas oo la filayo inay sare u qaaddo xiisadda labada dal.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa hadalkan sheegay isaga oo ka jawaabaya cambaareyn ku saabsan kaalinta Turkiga ee dagaalka Libya, halkaasi oo ay gaysay shaqaale Militari iyo dagaal-yahanno Syrian ah oo caawiya dowladda dalkaas ee caalamku aqoonsan yahay.

Imaaraadka iyo Masar, oo taageearaya ciidamada Jeneral Khalifa Haftar ee isku dayaya inay qabsadaan caasimadda Libya, ayaa ayaga oo ay wehliyaan Greece, Qubrus iyo Faransiiska, waxay soo saareen bayaan lagu cambaareeyey “faro-gelinta militari ee Turkey ay ka waddo Libya”.

Cavusoglu ayaa taleefishinka Akit ee Turkiga u sheegay in Imaaraadka iyo Masar iyo dalal kale oo uusan magacaabin “ay isku dayayaan inay xasilooni darro ka abuuraan gobolka oo dhan” wuxuuna si gaar ah u beegsaday Imaaraadka.

“Haddii aad I weydiiso cidda xasilooni darro ka wadda, cidda qaska abuureysa, waxaan dhahaynaa waa Abu Dhabi, innaga oo aan ka laba labeyn,” ayuu yiri. “Waa xaqiiqo inay yihiin quwadda deganaansho la’anta ku ridday Libya ee burburisay Yemen.

Cavusoglu ayaa sidoo kale ku eedeeyey Imaaraadka Carabta inay taageerayaan Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya, halkaasi oo Turkiga ay ku leeyihiin saldhig ay ku tababaraan ciidamada Soomaaliya.

Hadalka Cavusoglu ayaa yimid kadib markii wasaaraddda arrimaha dibedda ee Ankara ay Isniintii ay cambaareysay bayaanka shanta dal, islamarkaana ku eedeysay Faransiiska “inay isku dayayaan inay noqdaan taageeraha isbaheysiga naceybka.”

Imaaraadka Carabta weli kama jawaabin eedeynta Cavusoglu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here