Tirada Dadka Laga Helay COVID-19 Ee Puntland Oo Korortay

0
397

Tirada Dadka Laga Helay COVID-19 Ee Puntland Oo Korortay

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay in Dad Cusub laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, kuwaasi oo baaritaano kala duwan lagu sameeyay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Cudurka laga baaray 24 qof, isla markaana 8 kamid ah dadkaas laga helay Cudurka, kadib markii laga qaaday dhiicaano, sidaasina lagu ogaaday inay qabaan COVID-19.

Dadka qaba Cudurka ayaa 7 kamid ah waxaa ay yihiin Rag, halka qof kalena Dumar ay tahay, kuwaasi oo ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal, lana geeyay Xarun Karantiil.

Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda ayaa waxaa lagu xusay in qof kamid ah dadkii uu hore ugu dhacay Cudurka Coronavirus ee ku sugan Punttland uu Bogsaday, isla markaana haatan uu wanaagsan yahay.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee deegaanada Maamulka Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 98 halka 8 qof ay u geeriyoodeen xanuunka, waxaana ka bogsatay 4 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here