Itoobiya Oo Qiratay Inay Soo Riday Diyaaradii Ku Dhacay Magaalada Bardaale

0
374

Itoobiya Oo Qiratay Inay Soo Riday Diyaaradii Ku Dhacay Magaalada Bardaale

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa socday baaritaano kala duwan oo ku aadan diyaaradii xamuulka aheyd ee African Express ee todobaadkii hore ku dhacday agagaarka Garoonka diyaaradaha Magaalada Bardaale ee Gobolka Baay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxayay sababta dhalisay inay diyaaradaas oo siday qalabka looga hortego COVID-19 kana soo baxday Baydhabo kuna sii jeeday Bardaale inay dhacdo, xili ay u dhaweyd Garoonka diyaaradaha Magaaladaas.

Hayeeshee waxaa la shaaciyay diyaaradii African Express ee burburtay inay soo rideen Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyd Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Warbixin loo diray Xafiiska Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay in Ciidamo Itoobiyaan ah ay soo rideen diyaaradda oo ay la socden 6 ruux.

Sidoo kale Warbixinta ayaa lagu muujiyay in sababta loo soo riday diyaaradda inay aheyd shaki laga qabay inay is qarxiso iyo xiriir la’aan, isla markaana xitaa haddii aan la toogan laheyn ay soo dhici laheyd,

Arrintaas dhicista diyaaradda ayaa waxaa warbixinta lagu sheegay inay tahay, maadaama lugaha diyaaradda ama shaaga aan diyaar u aheyn xilligii ay diyaaradda caga dhigan laheyd garoonka Magaalada Bardaale ee Gobolka Baay.

Lix ruux oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib ayaa ku geeriyooday diyaaradda, waxana soo riditaankeeda la sheegayaa in loo adeegsaday qori nooca Soomaalida u taqaano Baasuukaha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay baaritaano dhab ah ku wado wax dhaliyay inay diyaaradda dhacdo, waxaana dowladda ay xustay in Natiijada kasoo baxda baaritaanka si deg deg ah loogu soo Bandhigi doono shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here