DEG DEG : 11 Ruux Hor Leh Oo Qaba COVID-19 Oo Maanta Laga Helay Somaliland

0
425

DEG DEG : 11 Ruux Hor Leh Oo Qaba COVID-19 Oo Maanta Laga Helay Somaliland

Somaliland ayaa Goordhow shaaciyay inay diiwaan-geliyeen dad hor leh oo qaba Cudurka halista ah ee Coronavirus, kuwaasi oo baaritaano kala duwan lagu sameeyay.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in Cudurka laga helay 11 Qof oo Cusub, kuwaasi oo laga qaaday dhiicaano, kadibna laga jirkoodka COVID-19.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in 11 qof ee uu ku dhacay Cudurka ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan Somaliland, isla markaana la geeyay Xarun loogu talagalay in dadka lagu karantiilo.

Sidoo kale Wasiir Cumar Cali Cabdullaahi ayaa xusay in qof hore ugu dhacay Cudurka oo maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanaa uu geeriyooday.

Tirada Guud ee deegaanada Somaliland laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus ayaa haatan mareysa 34 Qof, iyadoo halkaas Cudurka ugu dhinteen 4 qof, waxaana ka bogsaday xanuunka 3 Ruux, halka la karantiilay 64 Qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here