Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Puntland oo laga helay cudurka Covid-19

0
384

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Puntland oo laga helay cudurka Covid-19

Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan oo xalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay korortay 24 saac ee la soo dhaafay dadka laga helayo xanuunka Covid-19.

Wasiirka ayaa tilmaamay in la baaray 22 ruux , xanuunkana laga helay 8 qof oo rag ah oo ay ku jiraan 2 ka mid ah wasiiradda Puntland oo uu sheegay in hadda xaaladooda ay wanaagsantahay.

Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa xusay in qofkii 2-aad uu Puntland maanta ugu geeriyooday Covid-19, kaas oo ku dhintay xarunta karantiilka Garowe.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha Covid-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 59, halka labo qof ay ugeeriyoodeen xanuunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here