Shacabka UK Oo Loo Ogolaan Doono In Ay Sagootiyaan Eheladoda Qaba Xanuunka Coronavirus

0
366

Ehelada bukaannada la ildaran xanuunka coronavirus ee leh isha geeriyaad ayaa loo ogolaan doonaa in ay macsalaameeyaan inta ay nool yihiin ee ay ku jiraan isbitaallada iyo goobaha lagu xannaaneeyo dadka da’da ahi, sida uu shaaciyay Wasiirka Caafimaadka UK, Matt Hancock.

Hancock waxa uu sheegay in xukuumadooda ay la imaan doonto qaabab cusub oo “lagu xaddidayo halista cudurkan” isla markaana loo ogolaado dadka in ay sagootiyaan eheladooda aadka u isha daran – waa haddii buu yiri ay suurtagal tahay.

Hancock waxa uu sheegay in ay dabeecadda bani’aadamku tahay in qofku uu jeclaado in uu sagootiyo ehelkiisa sii dhimanaya ama leh il-geeriyaad.

axa uuna intaa ku daray in uu aad u ilmeeyay markii uu maqlay xaaladda Ismaaciil Maxamed Cabdulwahaab oo 13 jir ahaa oo bishii la soo dhaafay cudurka Covid-19 ugu dhintay isbitaal ku yaal magaalada London balse aaskiisa aanay ka soo qeybgalin waalidkii iyo eheladiisa kale maadaama ay karantiil ku jireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here