Jabuuti: Dadkii ugu badnaa oo maanta kaliya laga helay cudurka COVID-19

0
390

Jabuuti: Dadkii ugu badnaa oo maanta kaliya laga helay cudurka COVID-19

Wasaaradda caafimaadka dalka Jabuuti ayaa sheegtay in maanta la diiwan-galiyey 156 kiis oo cusub oo ah dad laga helay cudurka Coronavirus.

Wasaaradda ayaa sheegtay in 156 kiis la helay kadib baaritaan lagu sameeyey 494 qof.

156-ka kiis ah ayaa ah tiradii ugu badneyd ee kiisas COVID-19 ah oo Jabuuti ay diiwaan-geliso 24 saac gudahood

Tirada guud ee dadka xanuunka uu ku dhacay ee dalka Jabuuti ayaa hadda gaartay 591 qof, ayada oo 73 qof oo ka mid ah ay ka caafimaadeen. Ilaa hadda laba qof ka mid ah dadkii cudurka uu ku dhacay ayaa geeriyooday.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa 14-kii bishan ku dhowaaqay in toban maalmood oo dheeraad ah lagu daray xilligii hore dadka loogu sheegay inay guryahooda ku sugnaadan, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here