Dawladda Soomaaliya Iyo Safiirka Maraykanka Ee Muqdisho Oo Lagu Eedeeyay Inay Somaliland U Diidaan Deeqaha Ay Dunidu Bixiso

0
365

Dawladda Soomaaliya Iyo Safiirka Maraykanka Ee Muqdisho Oo Lagu Eedeeyay Inay Somaliland U Diidaan Deeqaha Ay Dunidu Bixiso

Michael Rubin oo ah khabiir Maraykan ah oo ka tirsan machadka American Enterprise Institute, ayaa dawladda Soomaaliya iyo safiirka Maraykanka ee Muqdisho danjire Donald Yamamoto ku eedeeyay inay Somaliland u diidaan inay qaybteeda hesho deeqaha Soomaalida la siiyo.

Rubin, oo qormo uu qoray toddobaadkan ku baahiyay mareego kaal duwan, wuxuu ku eedeeyey dawladda Muqdisho iyo danjiraha Maraykanka inay deeqaha caalamku siiyo Soomaalida ay u diidaan inay Somaliland qaadato qaybteeda. Waxaanu Somaliland ku tilmaamay dal ka madax-bannaan Soomaaliya oo dimuqraadiyadi ka jirtay tan iyo sannadkii 1991kii.

Rubin, ayaa warbixin uu ku daabacay Warbaahinta Maraykanka kaga hadlay sida Dawladaha Somaliland iyo Taiwan oo ah laba dal oo aan la aqoonsani ay ula tacaalayaan Xannuunka COVID 19.

Wuxuu sheegay in , Donald Yamamoto uu kaalmooyinkii iyo deeqihii oo dhan u duway dawladda Soomaaliya, taasi oo uga gol leeyahay inay ku qabsato deegaanno badan, hase ahaatee, wuxuu Khabiirku hindisahaasi uu ku sifeeyey mid gebi ahaanba khaldan.

Michael Rubin wuxuu tilmaamay in Soomaaliya 16kii sannadood ee u dambeeyey ay kaalinta koowaad kaga jirtay dalalka guul-daraystay ee caalamka, taasina ay nusqaan ku tahay in la siiyo kaalmo xad dhaaf ah.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in markii Soomaaliya laga helay Coronavirus ay caalamka ka yaboohsatay dhaqaale gaadhaya $240 Milyan oo doolar oo dheeraad ah, xilli uu Maayarka Muqdisho ku eedeeyey dawladaas inay buunbuuninayso xannuunkan.

Michael Rubin waxa uu Somaliland ku ammaanay inay $15 Milyan oo doolar ay cashuuraheeda uga jartay inay kaga hawlgasho xakameynta Xannuunka Coronavirus. Waxaanu ku dooday inay Somaliland si wax ku ool ah kaga horreyso Soomaaliya dhinaca daahfurnaanta iyo Hantidhawrka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here