Wasaaradda Caafimaadka Oo Sheegtay In Aanay Jirin Dad Covid_19 Qaba Oo Baxsaday, Balse Ay Jiraan Dad Guryahooda Isku Daryeelaya

0
337

Wasaaradda Caafimaadka Oo Sheegtay In Aanay Jirin Dad Covid_19 Qaba Oo Baxsaday, Balse Ay Jiraan Dad Guryahooda Isku Daryeelaya

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa ka hadashay Warar sheegaya in Dad laga helay Xanuunka Dunida ku faafaya ee Covid_19 ka baxeen Gacanta Dawladda, taasina khatar ku tahay Caafimaadka guud ahaan Bulshada.

Shalay ayaa waxa soo baxday Warar kala duwan oo sheegayey in Xubno ka mid ah Dad laga helay Xanuunka Covid_19 ay ka baxsadeen Gacanta Dawladda, Warkaasi oo Bulshada dhexdeeda aad ugu faafay isla-markaana dhaliyey Wer-wer, maaddaama oo Arrintaasi ay sababi karto khatar weyn oo soo waajahda Bulshada.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Wargeyska Geeska Afrika waydiiyey waxa ka jira Wararka sheegaya in Xubno ka mid ah Dadkii qabay Xanuunka Covid_19 ay Baxsadeen, ayaa ku jawaabay oo sheegay in aanay jirin Dad xanuunka qabay oo baxsaday, balse ay yihiin Dad uu hore ugu dhacay oo uu ka sii baxayo, iyaguna kula taliyeen inay Guryahooda isku daryeelaan, xidhiidhna la sameeyaan ka Wasaarad ahaan.

Agaasime Xergeeye oo ka jawaabaya su’aasha ah inay jiraan Dad Xanuunka qabay oo baxsaday ayaa yidhi “Dadkani waa Dad uu hore ugu dhacay oo uu ka sii baxayo, Wax Calaamad ahna malaha.”

Agaasime Maxamed waxa kale oo uu sheegay inay la socdaan Xaaladda Dadkaasi, iyaguna ay kula taliyeen inay Guryahooda isku Daryeelaan “Waanu la soconaa oo waanu la xidhiidhnaa, waxaanuna u sheegnay inay Guryahooda isku daryeelaan, markaa ma baxsan karaan..”

Dr. Xergeeye wuxuu beeniyey Wararka sheegaya inay Dadkaasi baxsadeen “Dad baxsan karaya maaha, waxna kama jiraan (Inay baxsadeen)..” ayuu yidhi, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye

Ugu dambayn, Agaasimuhu ma xusin Tirada Dadka uu sheegay inay kula taliyeen inay guryahooda isku daryeelaan, laakiin Wararka soo baxay ayaa sheegay inay yihiin laba ka mid ah Saddexdii Qof ee Shalay uun la shaaciyey inay xanuunka qabaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here