Imaaraadka Carabta Oo Deeq Caafimaad Soo Gaarsiiyay Muqdisho

0
372

Imaaraadka Carabta Oo Deeq Caafimaad Soo Gaarsiiyay Muqdisho

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Manata waxaa caga dhigatay diyaarad sida Gargaar Caafimaad oo loogu talagalay ka hortega faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus.

Diyaaradaan oo ka timid dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa xubno la socday Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta dowladda ayaa lagu wareejiyay Gargaarka Caafimaadka oo dowladda Imaaraadka Carabta ugu deeqday dowladda Soomaaliya, waxaana ay gaareysaa ilaa iyo 27 tan.

Imaaraadka Carabta ayaa todobaadkii lasoo dhaafay Deeq Caafimaad oo loogu talagalay ka hortega Cudurka Coronavirus ku wareejisay Dowlad Goboleedka Puntland iyo Somaliland, iyagoona ka mahadceliyay deeqda.

Si kastaba Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa xiriirka u dhexeeya waxaa uu yahay mid wanaagsaneyn, waxaana sidaas ay tahay Gargaar Caafimaad ee Soomaaliya kaga soo hormaryay Qatar iyo Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here