DEG DEG : Somaliland Oo Shaacisay Kiisas Cusub Oo Ah Cudurka Coronavirus

0
497

DEG DEG : Somaliland Oo Shaacisay Kiisas Cusub Oo Ah Cudurka Coronavirus

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Goordhow shaacisay in Dad Cusub oo qaba Cudurka halist ah ee Coronavirus laga helay deegaano ka tirsan Somaliland , kuwaasi oo la geeyay Xarumo dadka lagu karantiilo.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in Cudurka Coronavirus laga helay Saddex ruux oo ku kala sugan Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama.

Waxaa uu sheegay Wasiir Cumar Caabdullaahi in laba ruux ay ku sugan yihiin Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, halka kan kalena uu ku sugan yahay Magaalada Boorama.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa uu tilmaamay in saddexda ruux la geeyay Xarumaha loogu talagalay in dadka lagu karantiilo, isla markaana xaaladooda Caafimaad haatan lala tacaalayo.

Si kastaba Tirada guud ee Somaliland laga helay Cudurka halsita ah ee Coronavirus waa 5 qof

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here