DEG DEG : Qarax Khasaaro Geystay Oo Caawa Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

0
374

DEG DEG : Qarax Khasaaro Geystay Oo Caawa Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax miino nooca dhulka aaso ah oo Caawa ka dhacay agagaarka hotelka Nakhiil ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, kaasi oo geystay Khasaaro dhaawacyo ah.

Dad ku sugan Boosaaso oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxaas uu dhacay xili Ciidamada amniga ay ku jireen howgalka Bandowga ee Magaaldaas ka bilowday salaada Maqrib ka dib.

Ugu yaraan 9 qof oo shacab ah iyo hal askari oo ka tirsan Ciidamada amaanka Puntland ayaa ku dhaawacmay qaraxa miinada, waxaana dhaawacyada la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla halkaas.

Weli ma jirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Magaalada Boosaaso oo ay uga hadlayaan qaraxii ka dhacay agagarka hotelka Nakhiil, wuxuuna qaraxaas kusoo aadayaa, xili uu weli lagu guda jiro maalmaha Bandowga ay soo rogtay Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here