Doorashada Ethiopia oo dib loogu dhigey sababo la xiriira cudurka Coronavirus

0
371

Doorashada Ethiopia oo dib loogu dhigey sababo la xiriira cudurka Coronavirus

Guddiga Doorashada Qaran ee dalka Ethiopia ayaa ku dhowaaqay in uu joojinayo howlihii u diyaargarowga qabashada doorashada Ethiopia oo la qorsheynayay inay dhacdo bisha August ee sanadkan.

Dowlada iyo Ururada Mucaaradka ayaa soo dhoweeyay warkan ka soo baxay guddiga doorashada, iyadoo xilliga dowlada hadda haysa taladana ay ka dhiman tahay dhowr bilood.

Hase yeeshee waxaa la qorsheynayaa in baarlamaanka uu muddo kordhin u sameeyo dowlada uu madaxda ka yahay Abiy Ahmed.

Waa markii ugu horeysay ee dowlad weyn oo Afrikaan ah ay dib ugu dhigto doorasho sababo la xiriira cudurka Coronaha.

Wadamo badan oo ku yaal qaarada Afrika ayaa hore u qorsheystay in doorashooyin laga qabto sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here