Shiinaha oo 19 Isbitaal oo cusub ka dhisayo gobolka Wuhan

0
402

Shiinaha oo 19 Isbitaal oo cusub ka dhisayo gobolka Wuhan

Shiinaha ayaa sheegay gobolka Wuhan in laga dhisayo 19 isbitaal oo cusub oo lagula tacaalayo cudurka Coronovirus ee dlkaasi ka dillaacay
Xukumadda Beijing waxay sheegtay Isbitaallada cusub ee 19 ee ay qorsheyneyso marka la dhammeystiro iney yeelanayaan 30,000 oo sariirood oo bukaanka loogu adeego.
Gobolka Wuhan ilaa iyo hadda waxay isbitaallo ku meel gaar ah u beddeleen 13 goobood oo leh 13,348 sariirood.
9,313 ka mid ah sariirahaasina ay yihiin kuwa looga tala galay in la seexiyo dadka xanuunka uu weli ku faafin oo ay xaaladdooda adkeyn.
Dowladda Shiinaha waxay sheegtay Isbitaallada cusub ee la dhisayo mid weliba in loo dhammeystirayo qalabka caafimaadka uu u baahnaa sida City Scan, Qalabka wadnaha lagu baaro iyo qalab kale oo casri ah uu isbitaalka u baahan yahay.

Sarriiraha Isbitaallada ku yaalla Wuhan oo yaraaday si wax looga qabto waxaa isbitaallo ku meel gaar ah loo beddelay Goobaha Jiimka, Hoolalka shirarka iyo goobaha loo adeegsado bandhigga carwooyinka.
Isbitaallada cusub ee la dhisayo mid ka mid ah oo loogu magac daray Rihani oo dhismahiisa la dhammeystiray wuxuu ka kooban yahay 3,690 sariirood.

Isbitaalka Rihani oo ku fadhiyo 54,000 oo meetir laba jibbaaran wuxuu leeyahay qaboojiyeyaal, qolalaka lagu qobeysto, suuli dhaqdhaqaaqa, maktabad, goob filimka lagu daawado, maqaaxiyo iyo gooba kale oo lagu madadaalo.

Bukaanka cudurka uu soo ritay si loo daweeyo isla-markaana looga hortago 72 kooxood oo xirfadlayaal caafimaad oo dalka Shiinaha oo dhan ka kala yimid ayaa Isbitaalkaasi laga howl geliyey.
Guud ahaan gobollada dalka Shiinaha ee ay ka socdaan howlaha gurmadka cudurka Coronovirus la xidhiidha waxaa laga howl geliyey xirfadlayaal caafimaad oo ka badan 32, 572.
Sidey dowladda Shiinaha u awoodday in isbitaal lagu dhiso lix maalmood?
“Shiinaha wuxuu taariikh u leedahay in mashaariicda noocan ah si dhakhso ah loo fuliyo”, ayuu yiri Yanzhong Huang, oo ah macallin kale oo wax ka dhiga culuumta caafimaadka adduunka iyo xiriirka caalamiga ah.
Wuxuu tusaale ahaan usoo qaatay in isbitaalkii laga dhisay Beijing uu dhismihiisa ku idlaaday 7 maalmood gudahood, sidaas darteedna kooxda dhismaha wadda ay damacsan yihiin in wakhti ka yar ay ku dhisaan.

Mr Huang ayaa sheegay in Injineerrada dhismahan ka qeyb qaadanaya laga kala keenayo guud ahaan qeybaha kala duwan ee waddanka, si dhismaha loogu soo afjaro waqtiga loo qabtay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here