Israel oo cabsi ay ka qabto Shabaab u qaaday tallaabo

0
527

Israel oo cabsi ay ka qabto Shabaab u qaaday tallaabo

Dowladda Isra’il ayaa cabsi ay ka qabto weeraro ay Al-Shabaab ku qaado gudaha dalka Ethiopia darteed u go’aansatay ineysan ardaydooda u ogolaan iney booqdaan wadanka ku yaala Geeska Afrika, waxeyna ka war heleen digniino dhanka amaanka ah.

Wasaaradaha Tacliinta iyo Arrimaha Dibedda ee Israel ayaa isku raacay inaan ardaydooda loo dirin Ethiopia sida ay xaqiijiyeen warbaahinta wadankaas.

Dhamaan waxaa la hakiyay duulimaadyadii Shirkadaha diyaaradaha u qorsheysnaa iney sanadkaan ku aadaan magaalada Addis Ababa.

Sida laga soo xigtay hay’adda Israel u qaabilsan La-dagaalanka Argagixisada, waxaa jira cabsiyo ay ka qabaan in muwaadiniintooda lagu dhibaateeyo xuduudka ay la leeyahiin dhulka Somalida, sidoo kalana waxaa la saadaalinayaa iney weeraradaas ku baahaan gudaha Ethiopia.

Xukuumadda Yahuudda waxey ku doodayaan in laamaha amaanka Ethiopia ay u gudbiyeen sanadkii hore digniin dhanka amaanka ah, waxaana la ogyahay iney dhawr weerark ka dhaceen dalkaas.

Xoogagga Al-Shabaab waa kuwa ku xoogan gobolada Geeska Afrika, waxeyna weeraro kala duwan oo dhibaato badan abuuray ka geysteen wadamada Kenya, Uganda iyo Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here