Madaxweyne Deni: Fara-gelinta halaga joojiyo Galmudug

0
479

Madaxweyne Deni: Fara-gelinta halaga joojiyo Galmudug

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay khilaafka wiiqay habsami socodka doorashada lagu wado inay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Puntland ayaa Dowladda Dhexe ugu baaqay inay fara-gelinta ka joojiso Galmudug, dadka deegaankana loo madaxbannaaneeyo arrimahooda gaarka ah.

Madaxweynaha Puntland oo wareysi siiyay BBC, waxna laga weydiiyay inay iska warqabaan Madaxweyne Xaaf ayaa ka gaabsaday inuu si furan uga jawaabo.

Madaxweynaha oo hadlaayay ayaa yiri “Sida aanaan anaguba u jeclayn in aan faraha lala-gelin arrimaheena hoose ayay Puntland iyaduna u ixtiraamaysaa maamul walba arrimhiisa gudaha ah.”

Waxa kaloo uu yiri “Waana shay dabiici ah inay aragti kala duwanaan iyo khilaafaad dhacaan xilliga doorashada, laakiin waxaan ku ixtiraamaynaa dadka reer Galmudug inay arrimahooda dhameystaan.”

Madaxweyne Deni ayaa yiri “Dadka reer Galmudug waa dad soo jireen ah, waxay qayb ka qaateen xorriyaddii dalka, waxay aasaas u yihiin midnimada Soomaaliyeed, waa dad Somaliya xudun u ah, intaas iyo ka badan ayay ku filan yihiin, marka waxaan rajeynayaa in hawlaha Galmudug loo daayo dadka reer Galmudug.”

Khilaafka ku gadaaman geedi-socodka doorashada Galmudug ayaa sii xoogeystay,ka gadaal markii uu 2-dii bishan uu Madaxweyne Xaaf ka horyimid dhabaha loo marayo dhismaha Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here