Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhig ku yaalla Waqooyiga Mandhera

0
466

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhig ku yaalla Waqooyiga Mandher

Wararka ka imaanaya magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Boolis iyo Xarun isgaarsiin oo ku yaalla deegaanka Olla.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen rasaas iyo qaraxyo xalay fiidkii, waxaana Al-Shababa ay burburiyeen saldhigga iyo xarun Isgaarsiin ay leedahay Shirkadda Safaricom.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaas, waxaa uu ka mid noqonayaa weeraro is-daba joog ahaa ahaa oo Al-Shabaab ku qaadayeen labadii todobaad ee la soo dhaafay gudaha Kenya.

Booliska Kenya ayaa sheegay inay iska caabiyeen dagaalamayaashii Al-Shabaab ee soo weeraray, isla markaana aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaaray.

Al-Shabaab ayaa todobaadkii hore weeraray Saldhigga Manda Bay ee ku yaala Gobolka Lamu, waxaa saldhiggaas ku sugnaa Ciidamo Mareykan ah iyo Ciidamada Badda Kenya, waxaana lagu dilay saddex muwaadin Mareykan ah oo labo ka mid ah ay ahaayeen qandaraaslayaal iyo Askari Mareykan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here