Magaalo bisadaha ku nooli dadka ka badan yihiin

0
539

Magaalo bisadaha ku nooli dadka ka badan yihiin

Dhawr bilood oo ay duqayn ba’an ku hayeen ciidamada Suuriya iyo kuwa Ruushku magaalada Kafr Nabl ee ku taal gobolka keliya ee fallaagadu gacanta ku hayso, ayaa haatan bisadaha ay hoyga u tahay ka badan yihiin dadka ku nool.
Guri dumay hoostiisa qol yar oo ku yaal ayaa miis yaalla waxa ku hoos jira nin ka gabbanay duqyantaa cirka ee ku socota magaalada.
Laakiin Salaa Jaar (waa ninka sawirkiisu dusha ka muuqdee) kelidii ma aha. Wuxu salaaxayaa oo hareerihiisa fadhiya bisado badan oo dhamaantood sidiisa oo kale u anfariirsan.
Trump ma wuxuu “saliid ka xadayaa” Suuriya?
Agoonta Britain ee Suuriya ku xanibnaa oo gaaray London
“Waan weheshada marka bisaasku ila joogaan” ayuu yidhi. “Duqaynta, qaraxa iyo dhibaatadu wax aan aad looga baqan ayay kula noqonayaan” ayuu intaa ku daray.
Magaalada Salaax ku nool yahay ee Kafr Nabl waxa waayo ku noolaan jiray dad tiradoodu ka badan tahay 40,000 oo qof laakiin imika 100 qof iyo dheeraad baa ku hadhay. Way adagtahay in la tiriyo bisaaska ku nool goobtaa, xaqiiqadu se waxay tahay in ay gaadhayaan boqolaal ilaa kumanaan.
“Dad badan ayaa ka qaxay Kafr Nabl waana sababta ay tirada dadku u yaraatay. Bisadaha laftooda ayaa cid cunto iyo biyo siisa qudhoodu ba u baahan, markaasay ku soo urureen guryaha dadka yar ee magaalada ku hadhay. Guri kasta waxa imika jooga qiyaastii 15 bisadooda mararka qaarna in ka badan” ayuu yidhi Salaax.
Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption
.
Salaax weli wuxu hayaa shaqadiisii oo ah weriye ka tirsan idaacad maxali ah oo la yidhaa Fresh FM, in kasta oo xarunteedii iyo istuudiyaashiiba duqaymihii ugu dambeeyey lagu burburiyey. Nasiib wanaag se, qalabka idaacadda waxa muddo uun ka hor loo rarary magaalo u dhow.
Idaacaddu waxay baahisaa wararka iyo digniinaha marka weerarro duqayn ahi ku soo maqan yihiin dadka waxa kale oo ay baahisaa barnaamijyo maadays ah.
Tobanaan bisaas ah ayaa xarunta idaacadda jooga. Ninkii aasaasay idaacadda oo xuquuqda aadanaha aad ugu ololayn jiray magaciisana la odhan jiray Raa’id Faaris waxa dilay dabley Islaamiyiin ah bishii Noofember 2018, waxaanu markii uu noolahaa bisaaska u qoray biil gaar ah oo caano iyo Chees loogu soo iibin jiray.

Image caption
Khariidad muujinaysa halka Kafr Nabl ku taal
“Bisado badan baa dhismahan ku dhashay. Mid ka mid ah oo midabkeedu bunni iyo caddaan isugu jiro ayaa aad u jecelayd Raa’id. Meel kasta way u raaci jirtay oo xagaa way ag seexan jirtay habeenkii” ayuu yidhi Salaax.
Markuu gurigiisa dumay ka baxay, ayaa waxa dhan walba kaga oo yeedhay cod dhegaha kaa qadaya oo ah bisaas ciyaya. Waarkood aad bay u qaylinayaan kuwana cod gaaban oo aad moodo inay heesayaan. Kuwa kalena cod gaajo ka muuqato ayay ku taahayaan. Maalin walba waa sidaa ayuu yidhi.
Marka gabalku dhaco ayaa waxa sawaxankaa ku sii biira cida eyda dibad wareegga ah ee gaajadu hayso. Markay u soo dareeraan in ay magaalada xaabaan ayey isku laayaan waxay helaan bisaaska Kafr Nabl. Inkasta oo eydu ka xoog badan yihiin, hadana Salaax wuxu sheegay in bisaasku ka adkaadaan marka ay wixii xaab ah ee ay magaalada ka helaan isku laynayaan.
“Dabacan bisaaskaa guulaysta. Way ka badan yihiin dee”.
In kasta oo hadba aanay dadka magaalada ku nool ee Salaax ka midka yahay iska daa in ay cunto heli doonaane aanay xataa hubin in ay sii noolaan doonaan iyo in kale, ayaa hadana aanay waxba u waayin bisadahaa ay is weshadaan oo ay wax wada cunaan.
Lahaanshaha sawirka.
Image caption
.
“Markasta oo aan wax cunayo way ila cunaan hadaan khudrad cunayo xataa roodhida qalalan way ila cunaan. Duruuftan aanu ku jirno markaad eegto labadayaduba waxaanu nahay khalqi tacbaana oo ay tahay in aanu is caawino” ayuu yidhi.
Wax lala yaabo ma aha in duqayntaa joogtada ah ee ku socota bisaaska qudhoodu ku dhaawacmaan sida dadkaba. Iyadoo ay hadana dawooyinku gabaabsi ku yihiin ayaa waxa Salaax sheegay in sida dadka loogu dadaalo oo kale bisadahana loo daryeelo.
“Saaxiibkay oo gurigiisa bisado joogaan, ayaa maalin mid ka mid ahi madfac lugta goyn gaadhay, laakiin Idlib ayaanu geyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here