Diyaarad Kusoo Wajahan Muqdisho Iyo Dhaawacyo Kale Oo Maanta La Qaadayo

0
540

Diyaarad Kusoo Wajahan Muqdisho Iyo Dhaawacyo Kale Oo Maanta La Qaadayo

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay soo gaarto diyaarad ay leedahay dowladda Qatar.

Diyaaradan ayaa Qatar u qaadi doonto qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Muqdisho, waxaana socda diyaar garoowii ugu dambeeyay ee lagu qaadi lahaa dadkaas.

Sidoo kale Gudiga gurmadka deg dega ah oo ay dawladda u xilsaartay qaraxii Ex-Koontarool ayaa ku howlan sidii ay u soo saari lahaayeen dadka qaba dhaawacyada Culus ee u baahan in dalka dibadiisa xaalad Caafimaad loogu qaado.

Dallka Turkiga shalay waxaa loo qaaday 16 Ruux oo qaba dhaawacyo Culus, kuwaasi oo xalay saqdii dhexe laga dejiyay Magaalada Ankara, hayeeshee intii ay diyaarada hawada ku jirtay ayaa waxaa geeriyootay haweeney lagu magacaabi jiray Aamina Cismaan.

Waxaa kaloo isla xalay dhaawacyada la dhigay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla dalka Turkiga, halkaas oo haatan xaaladooda Caafimaad lagu dabiibayo.

Tirada dhimashada Qaraxii ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho ayaa gaartay 82 Ruux, halka dhaawaca uu ka badan yahay 149 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here