Wasiirkii hore ee aminga oo sheegay in 94 qof ay ku dhinteen qaraxii Ex-Koontarool Afgooye

0
487

Wasiirkii hore ee aminga oo sheegay in 94 qof ay ku dhinteen qaraxii Ex-Koontarool Afgooye

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in qarax weyn oo saaka ka dhacay Isgoyska Ex Koontarool Afgooye ay ka dhalatay dhimasho fara badan.

Guddoomiyaha oo tagay goobta ayaa sheegay in aan weli la heyn tirada rasmiga ah, balse aanay tirada yareyn oo dhimashada ay aad u badan tahay, isagoo intaa ku daray in dhaawaca loo soo sheegay inay gaarayaan 90 ruux.

“Qarax weyn oo gaari xamuul ah ayaa saaka isku qarxiyay isgoyska Ex koontarool Afgooye, dhimashada waa badan tahay, waxa uu khasaaraha ugu badan soo gaaray ardayda u socotay dugsiyada iyo jaamacadaha, tirada ugu badan waxay soo gaartay ardayda jaamacadda banaadir”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Waxaa la soo sheegayaa in khasaaruhu uu aad u badan yahay, isla markaana Xildhibaano qaar ay sheegayaan in illaa 100 ka badan tahay dhimashada.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa aheyd meel aad u mashquul ah oo gaadiid fara badan ku kala wareegaan, waxaana qaraxa xajmigiisa ahaa mid wada saameeyay Isgoyska Ex Koontarool guryihii iyo goobihii ganacsiga ku yaallay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here