Wararkii ugu dambeeyay roobab dabeylo watay oo ka da’ay deegaano ka tirsan Puntland

0
386

Wararkii ugu dambeeyay roobab dabeylo watay oo ka da’ay deegaano ka tirsan Puntland

Deegaano ka tirsan Puntland ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ay roobab mahiigaan dabeylo watay, kaasoo saababay daadad xooggan.

Sida wararku sheegayaan roobabkan ayaa ka da’ay Gobolka Bari, gaar ahaan deegaanada xeebaha, kaasoo saameyn ku yeeshan dadka deegaanka iyo kalluumeysatada oo hakiyay howlihii jilaabashadooda.

Maamulka Gobolka Bari ayaa hakiyay isu socodka gaadiidka ee magaalada Boosaaso iyo deegaanada kale ee Puntland, waxaana lagu amray gaadiidka in aanay xilliyada habeenkii safri karin.

Daadadka ka dhashay roobabka ayaa la sheegay in illaa saddex gaari ah kula tagay duleedka Boosaaso, inkastoo laga badbaadiyay dadkii saarnaa gaadiidka.

Degaanada ay saameeyeen roobabka watay dabeylaha ayaa waxaa kamid ahaa Degmada Eyl, Garacad, Dhanaane, Dhinowda iyo deegaano ku dhaw dhaw, waxaana ilaa hadda aan war laga haynin xaaladda deegaanadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here