Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland ee Xilla laga qaday oo ka baxay Garowe iyo deegaan ka tirsan Gobolka Sanaag o laguso dhaweeyey

0
510

Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland ee Xilla laga qaday oo ka baxay Garowe iyo deegaan ka tirsan Gobolka Sanaag o laguso dhaweeyey

Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland ee xilka laga qaaday C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) ayaa ka baxay magaalada Garowe, isagoo gaaray deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag oo uu ka soo jeedo.

C/xakiin Dhoobo ayaa gaaray deegaanka Xiingalool, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen odayaasha deegaanka, waxaana lagu wadaa inuu gaaro degmada Badhan.

Kulamo looga soo horjeedo Maamulka Puntland ayaa ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag, waxaana ay sheegeen in wixii haatan ka dambeeya Gobolka Sanaag uu ka tashan doono Puntland.

Khamiistii la soo dhaafay ayay aheyd markii Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay xil ka qaadis ku sameeyeen Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland C/xakiin Dhoobo, waxaana ka hor inta aan xilka laga qaaday ka dhacay magaalada Garowe is rasaaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac, oo dhex martay Ilaalada Xarunta Baarlamaanka iyo Ciidamada Booliska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here