Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo maanta la soo gabagabeynayo

0
377

Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo maanta la soo gabagabeynayo

Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya (Somali Partenership Forum) oo qorshihiisa ahaa labo maalin ayaa maanta la filayaa in la soo gaba gabeeyo, iyadoo laga soo saarayo war murtiyeed.

Shirkan oo ay ka qeyb galeen dowladda Federaalka, qaar ka mid ah dowlad goboleedyada iyo wakiil ka socda dowladaha taageera Soomaaliya ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan xaaladaha siyaasadda Amniga, dhaqaalaha, iyo arrimo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa inay shirka manta ku biiraan oo ay khudbado ka jeediyaan.

Sidoo kale Madaxda maamul goboleedyada ee lagu casuumay shirka ayaa la filayaa inay iyagana maanta khudbado jeediyaan, inkastoo aanay shirka ka qeyb galeyn Maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Wakiiladii ka socday Beesha Caalamka ee shalay ka hadlay shirka ayaa si gaar ah u xusay caqabadaha ka taagan dalka, dhaqaalaha Al-Shabaab ka hesho canshuuraha, sida looga hortagi karo, in la helo degenaansho siyaasadeed iyo kuwa kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here