“Istaag… waa amar ee i guurso!” – Lamaane isku aroosay qori caaraddii

0
530

“Istaag… waa amar ee i guurso!” – Lamaane isku aroosay qori caaraddii

Anastasia waxay fileysay saaxiibkeed Sergei in uu ku sugayo garoonka diyaaradaha markii diyaaraddii ay la socotay gaareysay St Petersburg.

Balse markii ay soo degtay ayuu u diray farriin wuxuuna u sheegay in shaqa aawadeed uusan soo bixi karin. Wuxuu u diray saaxiibkii in uu ka soo qaado garoonka.

Weli xaaladdu waa caadi.

Xoogaa ka dib, Anastasia oo ku sii dhoweyd gurigeda, oo saarneyd gaariga daaqado madow leh, rag hubeysan oo wejiyada u xiran yihiin ayaa joojiyay, gaariga ayayn kala degeen.

Anastasia waxaa la geeyay gaariga gadiishiisa waxaana la soo dejiyay boorsadii ay sidatay oo ay ka heleen bac yar oo budo cad ay ka buuxdo.

Waxaa ku wareegsanaa rag isku dhar xiran oo wejiyada u xiranyihiin; waa gabar dhar iska caadi ah qabtay. Baarayaasha dhankeeda ayay u jeesteen waxayna ku dheheen: “Waxaa lagaaga shakiyay in alaab mamnuuc ah aad qarineyso.”

Midabka wejiga Anastasia ayaa si degdeg ah isu bedelay.

“In aad qaldan tahay bay ila tahay. Aniga ma lihi waxan,” ayey tiri iyadoo xanaaq dartii u dhoollacadeyneysa.

“Haddaba yaa iska leh? Ciyaartaadu halkaas ayay ku dhammaatay!” nin ayaa sidaa ku qeyliyay.

Su’aalaha way sii socdeen illaa nin ka mid ah raggaas uu furay boorsada uuna ka soo saaray wax yar oo leh midab gaduud xigeen ah.

“Haddaba, kan muxuu yahay?” ayuu weydiiyay.

“War uma hayo!” ayey tiri, iyadoo jareyneysa.

Si lama filaan ah ayuu ninkii jilbaha dhulka u dhigtay, wuxuu iska bixiyay maaskaradii wejiga ugu xirneyd, wuxuuna ku qeyliyay: “ma is guursanaa!”

Waa Sergei; waxay ogaatay in raggaas oo dhan, keligii uu ka yahay qofka u shaqeeya ciidamada gaarka ah. Inta kale waxay ka shaqeeyaan adeegyada ah “in si xad-dhaaf ah loo doonto gabar” – waa qeyb dhowaan laga aasaasay Ruushka.

Сергей и Анастасия
Image captionDhammaan waa wax fiican; si wanaagsan ayay ku dhammaadeen: Sidee waxa uga carootay?” ayey tiri Anastasia

Sergei saaxiibkii ee gabadha ka soo qaaday garoonka wuu ogaa xaaladda oo dhan, balse wuxuu iska dhigay in uu argagaxay markii uu arkay ragga ciidanka ah ee wejiyda soo xirtay.

‘Ficil’ Qaali ah

Dalka Ruushka gudihiisa, in si aan caadi ahayn gabar loo doonto waxaa ku baxaysa $10.50 dolllar, soddonkii daqiiqaba oo ah sawir la galidda “qof ka tirsan ciidanka”. Illaa $900 oo dollar ayaa ku bexeysa bandhig guud oo “askarta ay qof la sameeyaan”.

Qorshaha Sergei waxaa ka baxday 30,000 oo lacagta Ruushka ah. Wuxuu donayay in uu sii kexeysto saaxiibbadii ay isla shaqeeyaan. Wuxuu u tagay kuwa ka tirsan Laanta Amniga Federaalka (FSB) balse way niyad jebiyeen – Waa arrin hadda uu xal u helay.

“Dadka aad isla shaqeysaan wax fiican way sameyn karaan, marna way ku niyad jebin karaan: Waa laga baqi karaa!” ayuu yiri.

Sergei Rodkin
Image captionSergei Rodkin wuxuu kireystay xirfadlayaal dhanka amniga ah, balse wuu qariyay sirta la xiriira magacyadooda

Aasaasaha bandhigga Spetsnaz (howlgallada gaarka ah), Sergei Rodkin wuxuu sheegay in uusan jirin xaddi sare oo dhaqaale ah, haddii macaamiisha ay doonayaan in lala tago.

Ninkan oo 36 sano jir ah, wuxuu sheegay in jilliin noocan oo bilaasha ah uu u sameyn jiray saaxiibbadiisa, sannadkii 2010-kii.

“Arrinta way soo badaneysay, caan ayeyna noqotay. Ka dib sannad, waxaan bilownay in aan lacag ka qaadno dadka,” ayuu u sheegay BBC.

Qorshihii doonasho ee noocan ah ee ugu horreeyay wuxuu bilowday sannadkii 2014-kii. Wixii ka dambeeyay 2015-kii, magacyo la mid ah Bandhigga Spetsnaz ayaa laga aasaasay daafaha Ruushka. Hadda waxaa jiro illaa 14 qeybood – dadka loollanka kula jirana waxay furteen xarrumo ganacsi oo guurka sidan ah looga shaqeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here