Shabaab oo joojiyay dhismaha Garoonka Muqdisho Stadium

0
588

Shabaab oo joojiyay dhismaha Garoonka Muqdisho Stadium

Waxaa hakad uu ku yimid dhismaha iyo dayactirka ka socday Garoonka Stadium Muqdisho ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii Ururka Al Shabaab uu amray in la joojiyo shaqadii ka socotay garoonka.

Telefishinka Universal ayaa ogaaday in Ururka Al Shabaab ay mid mid ula xiriireen shaqaalaha shirkadda haysata qandaraaska dhismaha iyo dayactirka ee Garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho, iyagoona ku wargeliyay in ay shaqada joojiyan, illaa amar dambe.

Shabaabka ayaa sidoo kale shaqaalaha u sheegay inaanay soo xaadiri karin shaqada ka socota Stadium Muqdisho, haddii kalena ay tallaabo ka qaadi doonaan. Shaqaalaha ayaana u hogaansamay amarka Shabaabka.

Qaar ka mid ah dadkii ka shaqaynayay dib u dhiska garoonka ayaa Universaltv u xaqiijiyay in amar ka soo baxay Shabaabka, ay ku joojiyeen howlihii ay muddooyinkanba ka wadeen Stadium Muqdisho.

Shaqaalaha oo subax kasta soo xaadiri jiray shaqada, isla-markaana codsaday inaanan magacyadooda warbaahinta loo adeegsan ayaa waxay sheegeen in Shabaabku ay uga diggeen in ay shaqada soo xaadiraan.

Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa bishii August ee sanadkii hore isaga baxay garoonkan, ka dib muddo toddobo sano ah oo uu saldhig u ahaa. Wixii xilligaa ka dambeeyay Dowladda Somaliya ayaa waday dadaalo ay dib ugu soo celineyso billicdii uu garoonkaasi lahaa.

Tan iyo markii ay dhacday Dowladdii Militariga ayaa waxaa garoonka ka muuqanayay burbur baaxad leh, waxaana uu soo maray marxalado kala duwan.

Si kastaba ha-ahaatee waxaa iminka socdo wada hadalo u dhaxeeya Shabaab iyo shirkadda gacanta ku haysa dib u dhiska garoonka, kuwaa oo lagu doonayo sidii dib loogu bilaabi lahaa shaqadii garoonkaasi ka socotay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here