Bannaanbax ka dhan ah dowladda oo ka dhacay Kismaayo+SAWIRO

0
413

Bannaanbax ka dhan ah dowladda oo ka dhacay Kismaayo+SAWIRO

Dadweyne ayaa saakay Magaalada Kismaayo ka dhigay bannaanbax looga soo horjeedo Dowladda Federaalka Somaliya, ka dib awaamiirtii ay dowladda ku soo rogtay duulimaadyadii taggi jiray Magaalada Kismaayo.

Qoraal ay Khamiistii soo saartay Hay’adda Duulista & Saadaasha Hawada oo la gaarsiiyay dhammaan diyaaradaha dalka ka hawlgala ayaa waxaa lagu sheegay marka ay taggayan iyo marka ay ka imaanayanba Magaalada Kismaayo, looga baahan yahay inay soo maraan Magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxayaasha ayaa saakay socod ku soo maray wadooyinka waaweyn ee Magaalada Kismaayo ku yaala, iyagoo muujiyay sida ay kaga soo horjeedaan xayiraadda lagu soo rogay duulimaadyada.

Sidoo kale bannaanbaxayaasha ayaa waxaa la arkaayay iyagoo waty boorar ay ku qoran yihiin hal kudhigyo ay ka mid yihiin (Federaalku fahan buu kaa rabaa, diyaarad joojin dowladnimo miyaa, go’doomin gobol guul miyaa iyo shacab la duleeyo guul miyaa).

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo habeenkii Khamiista Madaxweyne Farmaajo u diray warqad uu kaga codsanayay in la dhameeyo khilafka labada dhinac ayaa waxaa jirin wax war ah oo dowladdu ka soo saartay soo jeedintaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here