Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo dib loo dhigey

0
684

Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo dib loo dhigey

Guddiga dib u heshiinta dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in uu dib u dhacay shirkii dib u heshiisiinta Galmduug taasoo hore loo qorsheeyay inuu ka furmo 4ta bishan oo ku beegan maalinta berri ah magaalada Dhuusamareeb.

Warbixin ay soo saareen Guddiga ayey ku sheegeen in sababaha dib u dhaca shirka ay la xiriirto maalmaha baroordiiqda duqii hore ee Muqdisho iyo munaasibadda Ciidda Carafo.

Guddiga ayaa waxa ay sheegeen in shirka uu furmi doono 17ka Bishan August, islamarkaana ka qeybgalayaasha ay xilligaas ka hor tagi doonaan magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa ay horay u booqdeen magaalooyinka Gaalkacyo, Cadaado iyo meelo kale si bulshooyinka ku nool magaalooyinkaas loogu qanciyo ka qeybgalka shirka.

Hase yeeshee shirkan ayaa waxaa hore u diiday inay ka qeybgalaan odayaal ka soo jeeda koofurta Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here