Iiraan iyo Ruushka oo dhuulatus milatari ku soo bandhigaya gacan biyoodka Hormuz

0
396

Iiraan iyo Ruushka oo dhuulatus milatari ku soo bandhigaya gacan biyoodka Hormuz

Taliyaha ciidanka badda Iiraan Xuseen Khanzadi ayaa sheegay in Iiraan iyo Ruushka ay ku heshiiyeen in si wadajir ah ay dhoolatus milatari uga sameeyaan xeebaha Khaliijka.

Khanzadi, ayaa hadalkaan ka sheegay Axadii shalay kadib dhoola tus ciidanka badda ruushka ay ka sameeyeen magaalada Saint Petersburg.

Wuxuu intaa ku daray in dhoolatuska uu ka dhici doono badweynta Hindiya ee Makran gacan biyoodka Hormuz iyo Khaliijka.

Dhoolatuskaan ciidanka badda ruushka ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa safiiro iyo marti sharaf kale oo ka socota 20 dal oo ku yaal Caalamka.

Abaanduulaha ciidanka Badda Iiraan Xuseen Khanzadi ayaa intaa
raaciyay in raaciyay in dhoolatuskan uu bilaaban doono dhamaadka Sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here