Duqa Muqdisho oo maanta lagu wado in loo qaado caafimaad dibadda ah

0
419

Duqa Muqdisho oo maanta lagu wado in loo qaado caafimaad dibadda ah

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa waxaa maanta lagu wadaa in dhaawaciisa loo qaado dibadda.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Arbacadii shalay si xun ugu dhaawacmay qarax ismiidaamin ahaa, oo ka dhacay hoolka shirarka ee Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.

Gudoomiyaha ayaa tan iyo shalay galab xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho, iyadoona lagu sameeyay laba jeer oo qaliin ah.

Ma cadda dalka rasmiga ah ee dhaawaciisa loo qaadayo, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in loo qaadi doono dal Carbeed, oo loo maleynayo inuu yahay dalka Qatar.

Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Warta Nabadda, Saynab Maxamuud Warsame (Saynab Xaabsey) oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa iyaduna la sheegaya in lala qaadi doono Duqa Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, halka xubno kalena ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here