Afhayeenka Gobolka Banaadir oo ka hadlay xaalada Guddoomiye Yariisow iyo dhaawaca soo gaaray

0
464

Afhayeenka Gobolka Banaadir oo ka hadlay xaalada Guddoomiye Yariisow iyo dhaawaca soo gaaray

Afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa sheegay inuu dhaawac yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Yariisow, isagoo beeniyay wararka lagu qoray baraha bulshada ee ah inuu geeriyooday.

“Guddoomiyaha waa nool yahay, waa dhaawac, dhaqaatiirtuna xaaladiisa ayay la tacaalayaan”ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay jiraan dad mas’uuliyiin ah oo dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaraxa, waxaana uu ka xusay Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha C/llaahi Dheere iyo La Taliyihii dhinaca sharciga ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Avv. Sabriye.

Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhaawac soo gaaray ay u geeriyoodeen Guddoomiyeyaasha degmooyinka Waaberi iyo C/casiis, iyo Agaasimihii Waaxda Nadaafadda C/fataax Cumar Xalane.

Illaa iyo hada waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir, gaar ahaan Hoolka Shirarka oo la sheegay in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here