Puntland oo ku baaqday in la baaro waxa ka jira xiriirka Dowladda Qatar iyo Shabaab

0
467

Puntland oo ku baaqday in la baaro waxa ka jira xiriirka Dowladda Qatar iyo Shabaab

Puntland waxa kale oo ay ka hadashay Warbixin lagu qoray Wargeyska New York Times oo la xiriirtay in Dowladda Qatar & Shabaab uu ka dhaxeeyo xiriir ku aadan in Qatar ay ku maalgeliso Shabaab fulinta qaraxyada ka dhaca Magaalada Boosaaso.

War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa looga dalbaday Golayaasha Fulinta iyo Xeer-dejinta dowladda Federaalka Soomaaliya in ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan eedaymaha ku qoran maqaalka lagu daabacay New York Times ee dalka Qatar la xiriirinaya qaraxa 11-May ee sannadkan ka dhacay magaalada Boosaaso.

Puntland ayaa ballan-qaadday in ay taageeri doonto si buuxda ula shaqeyn doonto baaritaan kasta oo ku saabsan eedaymaha loo jeediyay Qatar ee sheegaya in ay ku lug-lahayd qaraxyadii ka dhacay magaalada Boosaaso.

Sidoo kale Puntland waxay sheegtay in ay dhowaan soo bandhigi doonto natiijada ka soo baxday baaritaan ay ku samaysay weeraradii u dambeeyay ee argagixisadu ku fulisay magaalada Boosaaso gaar ahaanna dilkii madaxii shirkadda P&OPorts Paul Anthony Farmosa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here