Taliyaha Ciidanka Kenya Oo Booqasho Qarsoodi Ah Ku Yimid Somalia

0
460

Taliyaha Ciidanka Kenya Oo Booqasho Qarsoodi Ah Ku Yimid Somalia

Taliyaha oo lagu magacaabo Jeneral Walter Raria waxa uu markii 3-aad muddo dhowr bilood gudaheeda booqasho ku yimid Somalia, xilli ay Alshabaab sii kordhiyeen Hawlgalladda Weeraradooda ka dhanka ah Askarta Kenya.

Jeneral Walter Raria waxa uu maalintii Sabtida ee la soo dhaafay waqti la qaatay Ciiddanka Kenya ee ku sugan dhowr Salhigyo ku yaalla Aagga hore, wuxuuna la wadaagay Khibradda goobaha dagaalka.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Difaaca Kenya ee KDF ayaa lagu sheegay in socdaalka Taliyaha qeyb ka ahayd si uu ugu kuur-galo dhaqdhaqaaqa Ciiddanka Kenya ka joogo gudaha Somalia iyo hawlgalka ay ku difaacayaan xuduudka Kenya.

Taliyaha waxa socdaalkiisa ku wehliyey Saraakiil sarsare oo ay ka mid yihiin Madaxa Hawlgalladda iyo Tababaradda Ciiddanka Kenya,William Shume, Taliyaha Guutadda Gantaalladda, David Tarus iyo Taliyaha Enjineeriyadda ee Ciiddankaasi, Stephen Radina iyo xubno kale.

Dhinaca kale, Booqashada Taliyaha Ciiddanka Kenya oo ahayd mid aan horey loo sii shaacinin ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo ay weli xiisad Diplomaasiyadeed ka dhex aloosan tahay Somalia iyo Kenya oo ku aadan Sheegashadda Kenya ee qeybo ka mid ah Badda Somalia, taasi oo ay Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICC u madlan tahay inay fadhi ka yeeshaan bilowga bisha September ee soo socota.

Sidoo kale, booqashadaasi waxay ku soo beegantay iyadoo ay Dagaalamayaasha Alshabaab kordhiyeen Hawlgalladda ay ka wadaan deegaanadda ku teedsan Xuduudka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here