Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

0
454

Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo si aad ah looga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaalada.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4, waxaana la arkayay qiic iyo uuro cirka isku shareeray.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in goob ciidamada amniga ku baaraan gaadiidka uu qaraxa ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga ayaa goobta gaaray, kuwaasoo durbaba xiray, waxaa la sheegayaa inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay qaraxa.

La soco wixii warar ee ku soo kordha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here