Ragg lagu eedeeyay in L’O ay xadayeen oo lagu dilay Hindiya

0
469

Ragg lagu eedeeyay in L’O ay xadayeen oo lagu dilay Hindiya

Shacab careysan ayaa si daran u garaacay sadex nin oo lagu eedeeyay in ay xadeeyeen Lo kuwaasi oo isla durbadiiba u dhintay sida ay xaqiijiyeen Booliska Hindiya.

dilka sadex-da nin ayaa yimid kadib markii shacabka ku nool tuulada Pithauri ee degmada Saran oo dhacda bariga Hindiya ay ku soo xoomeen Jimcaha Maanta.

Sargaal ka tirsan booliska oo lagu magacaabo Har Kishore Rai ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in sadexda nin la arkay iyaga oo isku dayayay in neef lo ah ay ku qaadaan gaari nooca laba Shireyda loo yaqaan.

Mid ka mid ah ragga la dilay ayaa ah muslim kaasi oo dhaawaca soo gaaray ugu dhintay Isbitaalka.

Lokesh Mishra oo ka mid ah madaxda amniga ee tuulada uu falkaan ka dhacay ayaa sheegay in sadex la tuhme ay falkaan u soo Xireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here