Duufaanta Mansoon oo dad badan ku dishay dalal ku yaal qaarada Aasiya

0
426

Duufaanta Mansoon oo dad badan ku dishay dalal ku yaal qaarada Aasiya

In ka badan boqol ruux ayaa ku dhimatay duufaanta roobka wadata ee mansoon oo ku dhufatay wadamada Nepal Bangladesh Hindiya iyo Pakistaan.

Dalalkaan ku yaal koonfurta Aasiya ayaa la tacaalayay dhowr kii maalin ee la soo dhaafay Duufaanta.

Dhanka kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray wadooyinka waaweyn iyadoo in ka badan 2 million oo ruux lagu qasbay in ay Barakacaan.

Tirada ugu badan ee dadkaan ayaa waxay ku dhinteen fatahaada ka dhalatay roob ka da’ay dalka Nepal, iyadoo kaararka ay Jabsadeen wabiyada mara Dalkaasi.

Saraakiisha dowlada ayaa xaqiijiyay in 67 ruux afartii maalin ee la soo dhaafay ay ku dhinteen Nepal.

Dhanka kale waxaa laga cabsi qabaa in ay kororto dhimashada iyadoo ciidanka amniga Nepal ay wadaan baadi goobka dad wali la’ yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here