Khilaafkii u dhaxeeyay Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya oo xal laga gaaray

0
595

Khilaafkii u dhaxeeyay Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya oo xal laga gaaray

Waxaa xal laga gaaray khilaafkii muddada u dhaxeeyay Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya, kuwaasi oo aysan ka dhaxeyn wax wada shaqeyn ah, balse muddo kadib la soo afjaray Khilaafkaasi.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federalka Somaliya ayaa shaaciyay in la soo afjaray Khilaafkii taagnaa mudada, islamarkaana labada dhinac heshiis rasmi ah ay wada qaateen.

Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa Saxaafadda u sheegay wixii hadda ka dambeeya xiriir wada shaqeyn oo rasmi ah inuu ka dhaxeeyo Aqalka Sare & Golaha Shacabka, waxyaabaha keenay khilaafkaasina laga gudbay.

“Waxaan dadweynaha Somaliya & caalamka u sheegaya in Gudoonka Baarlamaanka Federalka Somaliya labadiisa aqal ay dhameeyeen oo ay ka wada hadleen Khilaafkii taagnaa, markii aan ka doodnay waxaan go’aansanay in wada shaqeyntii labada dhinac ay bilaabato, wixii qaladaad ah ee jirayna in la saxo.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Aqalka Sare.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa dhankiisa sheegay in xeer hoosaadyo ay ku wada shaqeeyaan labada aqal in la soo saari doono, si aysan u hakan wada shaqeynta.

Waxa uu tilmaamay Golaha Shacabka & Aqalka Sare inaysan kala maarmin marka loo eego meel marinta shuruucda kala duwan ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here