Madaxweynaha Nigeria oo xulka qaranka ku tilmaamay ‘koox aanan la loodin karin’

0
499

Madaxweynaha Nigeria oo xulka qaranka ku tilmaamay ‘koox aanan la loodin karin’

Madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari ayaa ammaanay guusha ay gaareen xulka qaranka Nigeria isla markaasna ku tilmaamay kuwo aanan laga adkaan karin.

Waxaa uu sheegay in dhammaan shacabka dalkiisa ay ka dhuur sugayaan natiijada ay xulka qaranka kasoo hoyiyaan Koobka Qaramada Afrika ee hadda ka socda dalka Masar.

Xulka Nigeria ayaa Koonfur Afrika kaga badiyay 2-1, waxay Nigeria ugu gudubtay ciyaarta nus dhammaadka ee Koobka Qaramada Afrika.

Social embed from twitter

Goolasha waxaa xulka Nigeria uu kala dhaliyay William Troost-Ekong iyo Samuel Chukwueze.

Nigeria waxay Axadda la dheeli doontaa kooxaha usoo gudba ciyaaraha nus dhammaadka gaar ahaan xulalka Ivory Coast iyo Algeria oo ay ku xiran tahay midka soo baxa.

Senegal waxay 1-0 kaga badisay xulka Benin, sidaas ayay ugu gudubtay nus dhammaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here