Iiraan oo sheegtay in Sacuudiga uu waajib ka saaran yahay Amniga dadka soo Xajinaya

0
509

Iiraan oo sheegtay in Sacuudiga uu waajib ka saaran yahay Amniga dadka soo Xajinaya

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iiraan aayatulaahi cali Khumeyni ayaa sheegay in sacuudiga ay waajib ku tahay in uu sugo amniga dadka muslimiinta ah ee gudanaya sanadkaan waajibaadka Xajjka.

Mr Khumeynii oo la hadlayay Arbacadii shalay saraakiisha u xil saaran howlaha xajka dalka Iiraan ayaa sheegay in xukuumada Riyaad ay ilaaliso amniga xujeyda si looga hortago dhibaato kasta oo ka dhan Ah.

Labada dal ayaa tan iyo sanadkii 2017-dii ka hadlayay arimo la xiriira Xajka taasi oo aheyd sheyga kaliya oo ay ka wada niqaashayeen, waxaana ay isla garteen in la kala saaro acmaasha diiniga ah iyo Siyaasada.

Bishii Septemper ee sanadkii 2015-kii ayey aheyd markii 770 xujey ah ay ku dhinteen magaalada Mina oo u dhow magaalada Makka.

Inkastoo Iiraan ay sheegtay in dhimashada ay intaa ka badneyd ayaa hadana dowlada Sacuudiga ay diiday in warbixin kale oo la xiriirta shilkaan ay soo Saarto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here