Mareykanka oo sheegtay laba xubnood oo Shabaab in lagu dilay duqeyn Jilib ka dhacday

0
533

Mareykanka oo sheegtay laba xubnood oo Shabaab in lagu dilay duqeyn Jilib ka dhacday

Mareykanka ayaa faah faahiyay duqeyn uu ka gaystay Gobolada Jubbooyinka, gaar ahaan Magaalada Jilib halkaasi oo ah xudunta Al Shabaab.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada militariga Mareykanka Qaaradda Afrika ee Africom ayaa lagu faah faahiyay howlgalkaasi duqeyn dhanka cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday saldhigyo ay ku sugnaayeen Alshabaab.

Waxaa lagu sheegay qoraalkaasi in 2 ka tirsan Alshabaab lagu dilay,waxaana sidoo kale ay sheegeen in aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

Taliska Africom ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgaladaasi oo ay ku taagerayaan dowladda Soomaaliya,si loo soo afjaro dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here