Madaxweynaha Jubbaland oo amray laamaha ammaanka inay soo qabtaan dadkii dilay Nabadoon C/qaadir Ibraahin Jeeri

0
435

Madaxweynaha Jubbaland oo amray laamaha ammaanka inay soo qabtaan dadkii dilay Nabadoon C/qaadir Ibraahin Jeeri

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku amray Hay’addaha ammaanka Magaalada Kismaayo inay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyay dil loo gaystay Nabadoon ku noolaa Magaaladaasi. Allaha u naxariisteen Nabadoon C/qaadir Ibraahin Jeeri ayaa xalay lagu dilay xaafadda Shaqaalaha ee Magaalada Kismaayo, waxaana goobtaasi ka baxsaday dableydii dilka gaysatay. Madaxweynahu wuxuu Alle uga baryay Nabadoonka in Janadii fardowso uu ka waraabiyo isagoo dhinaca kalana Hay’adaha amaanka faray in baaritaan deg deg ah ay sameeyaan gacantana ay kusoo dhigaan kuwii ka danbeeyay falka lagu dilay Alle ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan. Nabadoonka la dilay ayaa la sheegay inuu ku hawlanaa muddooyinkaan dambe soo xulista Xildhibaanada Jubbaland, inkastoo illaa hadda aanan la ogeyn cidda ka dambeysay dilkiisa. Ciidamada Jubbaland ayaa saaka Magaalada Kismaayo waxa ay ka sameeyeen hawlgalo ammaanka ay ku xaqiijinayaan, ayna ku baadigoobayaan dadkii dilkaasi gaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here