Inkabadan boqol qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay dalka Congo

0
443

Inkabadan boqol qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay dalka Congo

Ugu yaraan 161 qof ayaa lagu dilay dagaal u dhaxeeya laba qabiil oo ka socday maalmihii la soo dhaafay waqooyiga Dimuquraadiga Congo.

Dagaalka oo ka dhacay gobolka Ituri ayaa dhexmaray xoola dhaqatada Hema iyo dad beeraley ah oo ka soo jeeda Lendu.

Labada qabiil ayaa soo dagaalamayay tan iyo sanadii 1999-kii ilaa iyo 2007-dii waxaana ku dhintay 50,000 oo Ruux.

Waa qasaarihii dhimasho ee ugu badneyd ee ka dhalata dagaalada Sokeeye ee Congo.

Dagaalo dhexmaray sanadkii 2017-dii ilaa 2018-dii ayaa waxaa ku dhintay boqolaal ruux halka kumanaan kalena ay ku Barakaceen.

Pascal Kakoraki Baguma, oo ah qareenka qaranka ee gobolka Ituri ayaa xaqiijiyay in 4 ruux oo ka mid ahaa ganacsato ka soo jeeda qabaa,ilka Lendu lagu dilay iska hor imaad dhacay Isniintii Hore.

Xubno ka mid ah qowmiyada Lendu ayaa sheegay in afartaan qof ay ahaayeen ganacsato ku sugan deegaanada Hema.

Saraakiil u hadashay Booliska ayaa sheegay in ay kordhi karto qasaaraha Dhimasho ee ka dhalatay dagaalka ka dhacay waqooyiga Congo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here