Xukuumadda oo sheegtay Shirar ka dhici doono Turkiga iyo Mareykanka in looga hadli doono Shidaalka Somaliya

0
488

Xukuumadda oo sheegtay Shirar ka dhici doono Turkiga iyo Mareykanka in looga hadli doono Shidaalka Somaliya

Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay inay dhici doonaan shirar looga hadlayo arrimaha shidaalka Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb geli doonaan Shirkado daneynaya Shidaalka Soomaaliya.

Qoraal uu Bartiisa Twitter-ka soo dhigay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal ayuu ku sheegay in Shirka koowad lagu qabanayo Turkiga, islamarkaana ay ka qeyb geli doonaan Shirkado laga leeyahay dalkaas, kuwaas oo daneynaya Shidaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Shirka labaad isna uu ka dhacayo dalka Mareykanka si la mid ah ay kasoo qeybgeli doonaan Shirkado laga leeyahay dalkaas, kuwaas oo daneynaya Shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka ma shaacin waqtiga rasmiga ah ay shirarkaasi dhici doonaan,hayeeshee waxaa la xasuustaa khilaafkii xooganaa ee ka dhashay shirkii looga hadlayay Arrimaha shidaalka ee ka qabsoomay Magalada London ee dalka Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here