Dowladda Somaliya oo todobaad u qabatay dalka inay ku soo galaan Safiirada Somaliya u fadhiya Sudan iyo Masar

0
534

Dowladda Somaliya oo todobaad u qabatay dalka inay ku soo galaan Safiirada Somaliya u fadhiya Sudan iyo Masar

Dowladda Federalka Somaliya ayaa u yeertay Safiirada Somaliya u fadhiya dalalka Sudan & Masar, kadib markii sidaasi uu sheegay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Somaliya.

Labadan Safiir ayaa waxaa loo qabtay muddo isbuuc ah inay ku soo galaan dalka gudihiisa, lama oga waxyaabaha laga doonaayo ee loogu amray inay dalka soo galaan.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Villa Somaliya oo si kooban uga hadlay arrintaan ayaa wuxuu yiri.

“Waxaa loo yeeray oo muddo Isbuuc ah dalka ku soo galaan danjirayaasha dowladda Federalka Somaliya ku matala dalalka Sudan & Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.” Ayuu yiri agaasimaha warfaafinta Madaxtooyadda Somaliya

Illaa hadda si toos ah uma cadda waxa loogu yeeray labadan Safiir ee dalalka Sudan & Masar u fadhiya Somaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here