Dowlada Somalia oo safiir u magacowday Wasiir ku-xigeen ka soo goostay Somaliland

0
589

Dowlada Somalia oo safiir u magacowday Wasiir ku-xigeen ka soo goostay Somaliland

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta Safiirnimo u dallacsiisay shan xubnood oo uu ku jiro Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xasan Daahir Dhimbil.

Masuulkan oo sidoo kale xubin ka ahaa xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa soo dhaweyn wanaagsan kala kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, taasoo keentay in ugu dambeyn loo dalacsiiyo safiirnimo.

Xasan waxaa uu ka mid ahaan jiray Mas’uuliyiinta Madaxtooyadda Somaliland ka hor inta uusan noqon Wasiir ku-xigeenka caafimadka, waxaana uu sidoo kale masuul ka soo noqday xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Itoobiya isagoo ka mid ahaa Saddex Wasiir ku xigeen oo Bishii hore kasoo degay garoonka Muqdisho ka dib markii ay ka soo goosteen Somaliland, iyagoo ka soo wareegay magaalada Nairobi.

Siyaasiyiinta Somaliland ayaa u soo shaqo doonta dowlada Somalia, iyagoo xilal sare ka qabta, waxaana qaarkood marka ay dhaqaale badan ka sameeyaan xilalka ay dib ugu laabtaan Hargeysa, iyagoo cafis ka dalbada maamulka Somaliland kuna dhawaaqaya iney ka soo horjeedaan midnimada Somalia, dhinaca kale taageera gooni isu taaga Somaliland.

Dhinaca kale, Xasan Xundubey Jimcaale oo ahaa Wariye iyo falan-qeeye ka soo shaqeeyay lamaaha afka carabiga iyo Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka mid ah xubnaha safiirada loo magacaabay.

Xubnaha kale oo safiirnimada loodalacsiiyey ayaa waxaa ku jira Maxamed Cali Mire oo la dhashay Xildhibaan si weyn ugu dhow Madaxweyne farmaajo oo la yiraahdo C/shakuur Cali Mire.

Lama shaacin xubnahan iyo kuwo kale ee la magacaabay safaaradaha loo kala dirayo, balse Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu dhowaan ku ansixiyo Wareegto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here