Al-Shabaab oo xalay weeraray Saldhig ciidan

0
628

Al-Shabaab oo xalay weeraray Saldhig ciidan

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar qorsheysan ku qaaday Saldhig Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin dhinaca Koonfureed degmada Waajiid ee gobolka Bakool.

Sida wararka ay sheegayaan dagaal la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa labada dhinac isu adeegsadeen, waxaana dagaalka uu ahaa mid ka mid ah kuwii ugu xooganaa ee deegaanka soo mara

Qof ka mid ah dadka ku sugan magaalada Waajid ayaa sheegaya inuu arkay meydka Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo tiro kale oo dhaawacyo ah, kuwaasoo lagu la dhigay Isbitaalka weyn ee Waajid.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay la wareegeen saldhigga Ciidamada dowladda ku lahaayeen dhanka koofur ee Waajid.

Khasaare xooggan ayaa sidoo kale jira inuu soo gaaray dagaalamayaashii Al-Shabaab ee weeraray Saldhiga Ciidamada ee Waajid

Ciidamo ka tursan Daraawiishta Koofur Galbeed oo gurmad ahaan ugu baxay magaalada Waajid, ayaa aroortii hore ee saaka dib ula wareegay Saldhigga oo ay xili hore isaga bexeen Al-Shabaab, iyagoo wada howlgallo ay ku sahminayaan in Shabaabka qaraxyo ku aaseen Saldhigga iiyo hareerihiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here