Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta u codeynaya Heshiis Caalami ah

0
723

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta u codeynaya Heshiis Caalami ah

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankooda 15aad ee Kalfadhiga 5aad, waxaana Xildhibaanada lagu wargeliyay xalay inay kulanka maanta oo Sabti ah soo xaadiraan.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ah u codeynta Heshiiska Caalamiga ah ee Naafada, kaasoo ay dhowaan ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa ka doodaya warbixin ku saabsan khasaarihii loo geystay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo Ciidamada Kenya ay burburin u geysteen xarumihii ay ku lahaayeen Jubbooyinka iyo Gedo.

Warbixinta ayaa la filayaa in si faah faahsan lagu soo bandhigo khasaarooyinka loo geystay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, waxaana uu Baarlamaanka ka soo saari doonaa qaraar.

Dhinaca kale ajandaha saddexaad ee kulanka maanta oo Sabti ah ayaa ah akhrinta labaad ee wax ka bedelka sharciga Saxaafadda oo wax ka bedel lagu sameeyay qodobada sharcigaas, iyadoo horay u jirtay in Baarlamaankii 9aad uu ansixiyay, isla markaana uu saxiixay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here