Salaax, Mane iyo Aubameyang oo abaal marin wadaagay

0
829

Salaax, Mane iyo Aubameyang oo abaal marin wadaagay

Sadio Mane iyo Pierre-Emerick Aubameyang ayaa goolal dhaliyay maalintii u dambaysay ee ciyaaraha koobka horyaalka Ingiriiska iyaga oo sidaa abaalmarinta kabta dahabka ah kula wadaagay Maxamed Salaax.

Aubameyang oo ciyaartii Arsenal iyo Burnley ka dhaliyay labo gool ayay arrintaasi u horseeday in uu la goolal noqdo Maxamed Salaax iyo ciyaartoyga ay Liverpool ka wada dheelaan ee Mane oo isaguna Wolves labo gool ka dhaliyay, sidaas ayayna ku wada yeesheen min 22 gool.

Salaax ayaa isla abaalmarintan ku guulaystay sannadkii hore.

Waa goolashii ugu yaraa ee abaalmarintan lagu helo tan iyo xilli ciyaareedkii 2010-11, markaas oo Dimitar Berbatov iyo Carlos Tevez ay wadaageen abaalmarinta kabta dahabka ah iyaga oo min 20 gool dhaliyay.

Aubameyang oo ah ciyaaryahan u dhashay dalka Gabon afka horena ka dheela ayaa labo gool dhaliyay qaybtii dambe ee ciyaarta wuxuuna yiri “kabta dahabka ah waxaan la wadaagayaa labo ciyaartoy oo kale oo aan ka helo, labo ciyaartoy oo waawayn. Afrika ayaan matalaynaa, waana arrin wanaagsan.

“Waan ku faraxsanahay in aan guulaysannay, kabtan dahabka ahna waxaan la wadaagayaa rag kale oon ka helo. Kooxdaydu way la socdeen kabta dahabka ah, balse waxba kuma dhihin. Mana rabin in kooxdu aniga diiradda i saarto. Anigu kooxda oo dhan ayaan la ciyaaraa.”

Dhammaantood ‘waa ciyaartoydayda’

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa layaab iyo farxad muujiyay markii uu ogaaday in uu abaalmarin helay ciyaartoygii horay ugu soo dheeli jiray Dortmund kaas oo isaga oo tababare u ah uu kala soo wareegay Saint-Etienne 2013.

Aubameyang asna ma helay? Ma saddex kabo oo dahab ah ayay heleen? Waa arrin wanaagsan. Dhammaantoodna waa ciyaartoydayda,” ayuu intaas ku sii daray.

Salaax oo 26 jir ah ayaa dhaliyay 32 gool sannadkii hore. Goolashaas ayaana ah kuwii ugu badnaa ee la dhaliyo hal xilli ciyaareed oo 38 ciyaarood ka kooban.

Wuxuu noqday ciyaartoygii lixaad ee si xiriir ah ugu guulaysta abaalmarintan.

Harry Kane oo Tottenham u dheela ayaa ahaa ciyaartoygii u dambeeyay ee si xiriir ah ugu guulaystay kabta dahabka ah, wuxuuna la hoyday xilli ciyaareedkii 2015-16 iyo midkii ku xigay ee 2016-17, hadda wuxuu kooxdiisa u dhaliyay 17 gool isaga oo dhaawacyo ay soo gaareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here